Laascaanood (PP) - Ciidanka S/land ayaa shalay dib uga ruqaansaday fariisinkoodii kadib markii uu Gen. Cadde Muuse uu shalay u jirsaday fariisinkooda 15Km oo kaliya.
M.waynaha oo shalay tuulada Tukaraq kula kulmay Garaad Saleebaan , ayaa markii uu Garaadka kulan ay wada qaateen wuxuu socdaal ku maray jiida hore , halkaasoo oo uu indha-indhayn uu ku soo sameeyay.
Ciidanka S/land , ayaa markii ay ka warheleen dhaq-dhaqaaqa Cadde Muuse ayay dib uga gurteen fariisinkiidii , iyakoo ka cabsi-qaba weerar kaga yimaada Puntland.
Ciidanka S/land , ayaa iyaku waxay ku sugan yihiin tuulada Kambara , kadib markii fooda galin-waayeen magaalada Laascaanood.
Magaalooyinka waaweyn ee ka tirsan deegaanada Puntland ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan oo ay wadaan ciidamada Daraawiishta Puntland, halka maleeshiyooyin beeleed horay uga fariistay shaqada Ciidanka Daraawiishta ay qayb ka yihiin ciidamada ku sii jeeda magaalada Taariikhiga ah ee Laascaanood oo dhowr beri ka hor gacanta u gashay kooxo u dhashay deegaanka oo calooshood u shaqaystayaal oo ay taageerayaan Beesha Isaaq ay la wareegeen shaldhigyadii ugu muhiimsanaa ee ku yaalay magaalada Laascaanood.
Waxaan dhanka kale xusid mudan in shirar is daba jooga ay ku yeesheen magaalooyinka waaweyn ee puntland Cuqaasha iyo maamulka puntland , taas oo qalinka lagu duugay in awood meleteri lagu soo xiro Xuduudaha puntland, halka oday dhaqameedyo kale oo aan badnayn ay soo jeediyeen in Awooda meleteri laga hormariyo khilaafka u dhaxeeya Beelaha Dhulbahante ee Walaalaha ah ee iyagu sahlay in gacanta Soomaalidiidka ay gasho magaalada Laascaanood.Waxaase aad u batay oo taladooda la qaatay soo masuuliyiintii soo jeedisay in Puntland Xuduudeeda lagu soo xerooyo qaab meleteri oo aan gor-gortan ku jirin.
Si kastaba, Puntland ayaa iyaku waxay heegansare galisay Ciidankeedii , waxayna doonaysaa in ay dib ula soo noqoto magaalada Laascaanood , sida uu sheegay Cadde Muuse oo isagu ah hada hogaanka sare ee hor kacaya Ciidanka Puntland.
C/laaahi Cali Ciise
Puntlandpost , Boosaaso
 |
KORORSO AQOONTAADA |
|